Written by 5:45 pm Somali

Waagi aan u Afduubnaa Oday Dhaqameed Somaliland iyo Dhaci Markabkeeyga

Sakariye Deeq

Maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, ee ku wajahan badwaynta ayaa lasoo darista khataro aad u weyn iyo dhibaatooyin kale oo kala duwan,

Ganacsadaha Soomaaliyeed Digtoor Axmed Faarax Ducaale, khatarahaasi waxay u noqdeen kuwo xaqiiqo ah kadib markii la afduubay oo laga xaday markab ganacsi oo uu lahaa. Kaasoo aan loo soo celin markabkiisi, mana jirto wax magdhaw ah ama raali galin uu ka helay ragii u gaystay dhibaatooyinkaasi dhacay muddo ka badan 20 sanno ka hor.

Taas badalkeeda waxaa uu la kulmay tacadi, burcad badeed arxan daran, boob iyo caga jugleyn aan dhamaad lahayn oo uu kala kulmayay maleeshiyo beeleed iyo maamulka waquuyi ee somaliland,

Maqaalkaan waa waraysi gaar ah, Axmed Faarax Ducaale, waxa uu markii ugu horraysay nooga warramayaa arimihii foosha xumaa ee uu kala kulmay markii  markabkiisa la xaday iyo isku daygii faa’iido la’aanta kusoo dhamaaday ee uu ku doonayey in uu ku soo ceshto wixii uu xaqa u lahaa.

Inta aanan waraysiga u gudagalin waa kuma Axmed Faarax Ducaale:

Axmed Faarax Ducaale wuxuu ku dhashay Soomaaliya waxaa uuna kusoo barbaaaray Soomaalia qeebka mid ah nolashiisa qaybna Talyaaniga; Dugsiyo hoose dhexe iyo mid sare ba ayuu ka galay labada dal. Sannadkii 1967-kii, waxa uu waxbarasho dheeraad ah u aaday dalka Denmark halkaas oo uu ka qaatay xirfad ku saabsan hagidda markaiibta. Waxaa u noqday badmareen caalami ah kadib marka uu ka soo baxay akaddeemiyada badda.

Markii uu shahaadada heerka koowaad ee Master-ka ka qaatay machadka badda ee Kobenhaagen, Daanmaark waxa uu bilaabay shaqo nololeed oo badmareen ah oo uu ka gaaray ilaa kabtan maraakiibta. Isaga oo ka shaqeeyay jagadaan in ka badan 20 sano oo ku soo maray dhammaan baddaha aduunka mudadaas, Waxaa uu ka warramayaa dhibaatadii kutimid 2001-gii

Waxaa uu yiri sidaan:

‘Anigoo dareemaya in aan wax badan ka ogaaday arrimaha badmareenada iyo maraakiibta badda, ayaan isku dayay in aan ku dhiirado xirfadd dheeri oo badda ah.

Ayaa aniga iyo saaxkay Heine Bach waxaan iibsannay markab ganacsi oo Jabaan lagu sameeyay 1987ki, waxaan u bixiyay M/V SOMDANA-1, xarfaha aqoonsiga LNPB bishii Jannaayo 2001-dii waxaa ka helnay shahaada aqoonsi Sooomaaliyeed Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya kutaalay Roma, dalka Taliyaaniga. Waxaan u diiwan galinay markabka caadi ah oo ganacsi ah oo ay leedahay shirkaddayada Somdana Marine Services Ltd.

Waxaan si degdeg ah u bilaabay inaan ururiyo koox maamusha markabka safarkiisii ugu horeeyay ee aan ku tagayo dhulkayga hooyo ee Soomaaliya ee aan jeclahay, waxaan shaqaaleysiiyay 3 badmaaxayaal oo Danish khibrad fiican leh, waxa eey ka koobanaayen kabtan, injineer iyo nin kale kuxigeen ahaa. Waxa kale oo aan ogaa in markabku uu baahanyahay gacmo badan si ay hooshiisu si fiican ugu socoto, Tani waxa ay igu kaliftay in aan weydiiyo shaqaale Soomaalida dhawaan axootiga ku noqotay dalka Denmark, waxa eey ka soo carareen dagaaladii sokeeye. Aniga waxaan is lahaa in durbadiiba noqonayaan shaqaale fiican oo badmaax ah, Waxaan waligeey aaminsanaa hagid iyo tabobar yar qof kasta oo Soomaali ah inuu ku noqon karo badmaaxe wanaagsan. Goaankaa ayaa igu noqday mid xanuun badan oon waligay ka qoomameeyo 

Bishii Juun 2001, waxaan xasuustaa in aan dareemay guul markii markabka M/V Somdana-1 uu si xarago leh uga dhoofay dekedda Esbjerg ee dalka Denmark, isagoo ku sii jeeda dhulka aan asal ahaan ka soo jeedo ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo. Xamuulka aadka u weyn ee markabka waxa uu ka koobnaa 3 Land Rovers, 5 (4×4 ah) baabuurta ciidamada Mercedes Benz, 1 IVECO Eurostar tipper truck, matoorada waraabka, 11 matoorrada jenereetarka naaftada, 50 kiiloomitir oo xariga kalluumaysiga, in ka badan 15,000 shabaq kalluumaysi iyo 3 konteenar. qaboojiyeyaasha waaweyn ee warshadaha.

Markii uu markabku soo maray kanaalka Suweys, oo uu soo galay badda cas si toos na ugu wajahnyahay Jabuuti ayaa 3-dii nin ee Soomaalida ahayd ee aan shaqaaleeyay ayaa ku soo booday naakhuudihii una sheegay in uu markabka u rogo dhinaca magaalada Berbera. Waxa aan la xidhiidhay kabtanka oo si dagdag ah oo kadiska ah ula xariiray safaaradda Denmark ee Neeyrobi, arintaas yaab ayeey igu reebtay.

Markabkaygu wuxuu ku safrayay magaca Soomaaliya waxaan ka babanayay  calanka buluuga ah ee Soomaaliya! Markiiba waxaan gartay inay wax khaldan yihiin, waxaana wacay midka ka mid ah oday dhaqameedka sida weyn looga yaqaan dalka Jabuuti, si ay gacan uga geystaan in aan u helo koox ka kooban 12 askari oo ah ilaalada xeebaha jabuuti si ay u qabtaan markabkayga inta uu weli ku sugan yahay biyaha Jabuuti, laguna jiheeyo dhankaas iyo Muqdisho.

Markii ay isoo gaartay fariinta naakhuudaha oo ah in markabka lagu amray inuu Berbera u sii gudbo, ayaan isla markiiba diyaaraddii xigtay Denmark ka soo raacay aniga iyo ninkii shirkada aan wad aheyn si aan maalintii xigtay Hargeysa uga soo degno.

Markii aan imid Hargeysa, isla markiiba waxaan soo raacnay baabuur u socda Berbera aniga oo ogaa in 7ilaa 8 saacadood oo keliya ay ku qaadanayso. Markii ay soo gaareen dekadda Berbera, waxaa xoog looga dejiyay dhammaan shaqaalihii markabka, waxaana laga qaaday baasaboorradii ay wateen iyagoo lagu xareeyay hoteel. Nimankaan Deenishka ah aniga oo cabsi qabo waxaa ey ka argagaxeen xaalada afduubka ee lasoo gudboonaatay.

Waxaan isla markiiba qorshe daadgurayn degdeg ah u sameeyay. Waxa la ii sheegay in Baasaboorkoodii iyo waraaqihii kale ee safarka uu ka qaatay Saldhigga Booliska Dekedda Berbera, halkaas ayaan tegay oo aan u soo bandhigay laaluush sarkaalkii maamulayay Saldhiggas si uu Baasaboordoda iigu soo celiyo—taas oo aan ku guulaystay.

Kadiba waxaan si degdeg ah u saaray gaadhi kusii jeeday magaalada Hargeysa si aan diyaarad uga saaro tasoo u socoto Addis Ababa caasimadda wadanka aan jaarka nahay ee Itoobiya. Saacado ka dib markii aan dammaanad qaaday baxsashadooda waqtigeeda ku habboon, waxaan dib ugu noqday markabkaygii anigoo og in shaqo wayn i hortaalo

Waxaan si degdeg ah u gartay in aysan hadda ahayn Soomaaliyadii aan aqaanay aniga oo nin dhallinyaro ah, sidoo kalana gaar ahaan gobolkan uusan isu aqoon in uu ka mid yahay Soomaaliya waayo dagaaladii sokeeye ee1991 ayaa dhacday aniga oo ka maqan dalka,

Waxaan kale oon ogaaday isla markiiba in aan ka dhashay nooca Soomaaliga ah ay doonayeen in ay ka aargoostaan.

Inta aan caawinayay shaqaalihii ajnabiga ahaa ee markabka iyo ninkii aan shuraakada ahayn ayaa waxaa la diray koox baadigoob ah oo dhinac walba ka raadiya; laakiin Ilaahay Mahadii waa ay awoodi waayeen in ay helaan.

Markii aan ku soo laabtay dakadii ayaan waxaan la yaabay in aan arkay calankii markabka oo laga dejiyay kasoo ahaa calanka Soomaaliya oo lagu bedelay mid aanan isla markiiba aqoonsan balse markii danbe noqday calanka maamulka Somaliland.

Waxaan aad uga xumaaday markii ay ku buufiyeen riinji magaca markabkayga si ay u qariyayaan calaamada markabka! Sidoo kale dhammaan dukumeentiyadii markabka waa la qaatay! tani waxay ahayd subaxnimadii 22-kii Luulyo 2001!

Anigoo aad uga cadhaysan falalkaan wuxuushnimada ah, ayaan maamulka dekedda waydiiyay sababta markabkayga maalin cad loo dhacayo. Rag hubaysan ayaa lagu wargeliyay joogitaankayga. Islamrakiiba si xoog leh ayaa la iigu jilba joogsaday oo la ii qaaday! Waxa aan nasiib u yeeshay in aan kelmad kaga tago wakiil markab oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Faarax oo ah mulkiilaha shirkada maraakiibta ee Tabuuk si uu iigu sii eeego markabkayga .

Tan iigu xigay waa bogii ugu madoobaa ee noloshayda dheer. Maleeshiyo beeleed deegaanka ah ayaa i af-duubtay oo waran igu muday si aan u wiiqo oo aanan isugu dayin in aan baxsado. Waxa aan markiiba ogaaday in ay hore u afduubeen maalqabeen u dhashay deegaankaas oo ay ka qaateen lacag aad u badan.

Waxa kale oo ay u shaqeeynayeen maleeshiyaadka i afduubtay nin la yirahdo Cismaan Aw Maxamuud (Boqor Buurmadow) oo ilaa maanta ah oday-dhaqameed saamayn weyn ku leh hoggaanka dhaqanka Soomaalida. Tani ayaaa aad iiga cadhaysiisay ilaa maantadaan la joogo! Ninkii la lahaa maslaxada walina gacanta igu haayay anigoo afduub ah ayaa maanta si xor ah isoo hor taagan, tasi waxaa ka sii daran, wuxuu sheeganayaa inuu yahay boqor qabiil.

Waxaan ku jiray xaalad ka baxsan bini aadamnimada, maalin walbo 12:00 duhurimo inta aan ku jiray afduubka, maleeshiyaadka waxay ii adeegsan jireen bistoolada loo yaqaan amaanlayda taso ay ku jirtay hal mir oo xabad ah, nooc tacadi loo yaqaaano afka qalaad( Russian roulette) ayagoo islamarkaana madaxa iga saaray waxayna ugu yirdahdeen ashahaado kadibna marwalbo aan maqlo dhawaqa keebka bastoolada wadnaha ayaaa i istaagi jiray! Waxaa markaka qaar is iri halmar un may naftu ku dhaafto waayo sida tan dhimasho ayaa dhaantee. Tan ayaa ahayd mid xad dhaaf ah waxayna igu keentay welwel, cabsi, iyo niyad jab joogto ah. In kasta oo saamaynta xabbaddu ay aad u daran tahay oo ay ii horseedi karto dhaawaco ama dhimasho, waxaa iiga darnaa jir dilka joogtada ah.”

Mudane Ducaale ayaa cabaar aamusay anigoo og in uusan waligii warbaahinta la wadaagin arintaan, waxaan u sheegay in uu cabaar nasto balse Axmed Ducaale ayaa igu yiri mayaa waan wadaynaa waraysiga, asagoo igu yiri waxaad i waydiinaysaa maxaad faahfaahin uga baahantahay” ayuu si quman iigu yiri, anigo  isla markaana aad ula yaabay. Waxa uu isla markiiba dib u jaleecay si uu uga sheekeyo qaybtii ugu adagee ee sheekadiisa.

Waxuu ku bilaabay

“Tani waxay igu ahayd cabsi joogto ah iyo dhaawac, taas keentay inaan iska indho tiro waxyaabha aasaasiga u ah bini aadamka sida biyo nadiif ah, cunto iyo helitaan daryeel caafimaad Waxaan ogaa dhammaan jirdilkaan iyo Xooga iyo jujuubka, waxaa loola jeeday oo ahaa in lagu wiiqo niyadayda oo aan iska caabin sameeyo,   ugu dambeyntii waxaan ku qasbanaaday in aan u hoggaansamo dukumeenti been abuur ah oo ay doonayeen in aan ku wareejoyo ayaga mulkiilonimada markabkeeygi.

Bilooyin ka dib waxaa ii suurta gashay in aan ka baxasado anigoo fahmay meelshiyada khaatku dilooday hab dhaqankooda aygoo habeenkii oo idil khaatka ku dhafro aya galab galbaha ka mid ah waxaan si taxadar leh uga soo baxay qolkii mugdiga ah oon darbiga si tartiib ah uga booday.

Ma garaneyn meel aan u socdo iyo meel aan ka imid markii aan isku dayay inaan gaaro boosteejada baska ee xigta. Waxa aan u muuqday qof niyad-jabsan oo dhibaato ay ka muuqatay waayo waxa aan xidhnaa muddo ka badan 2 bilood,  balse isla martkiiba waxa ii xidhay booliiska Somaliland sabab la’aan. Halkii la i geyn lahaa saldhiga Berbera oo aan rajaynayay in la ii geeyo booliska degmada Barbara, waxa la igu soo celiyay kuwii i heestay oo aan daqiiqado ka hor ka baxsaday! Dabadeed wax walba waxay bilaabeen in ay macno yeeshaan- waxay ahayd qorshe si wacan loo soo diyaariyey iyo nasiib daro aniga oo ka soo jeeda qabiil “xifaaltan kala dhexeeyo” Waxa uu ahaa qorshe si weyn looga fakaray in ninkan Denmark u dhashay la dhaco, qorshahaas bilawgiisa ayaa ka dhacay Copenhagen oo ay ku lug lahaayeen 2 diblomaasiyiin oo Danish ah.

In aan ku noqdo meesha laigu hayay oo aan ku noqdo maxbuusnimo dib u dhici mayso, waayo horayba si guul leh ayaan u baxsaday, waanan samayn karayay mar kale—taasi oo aan sameeyay ayaa markan waxa aan isla markiiba raacay tagsi aan ku qayliyay darawalkii anigo ku iri Hargeysa i geey. Waxa aan soo galay hudheelka Hargeysa Club, waxa aanla kulmay gabadh yar oo maamulaha guryaha ka ahayd oo aan is-baray somaalida xilgaa waxa aan ogaaday in qof kastaa ku qasban yahay in uu caddeeyo qabiilka uu yaha taaso ah aqoonsi muhiim ah. Dalka oo dhan waxaa ka socday dagaal sokeeye, sidaas darteedna waxaa hareeyay shaki, dil iyo dagaal.

Aad ayey uga naxday markii ay igu aragtay sida aan u ekaa, waxay si qaali ah iigu yeertay abti waxayna si degdeg ah ii siisay caawimaad aan u baahanahay. Waxay igu dejisay dabaqa ugu sarreeya hotelka waxayna i siisay ilaalo hubaysan oo 24 saac ah waxay isla markiiba war galisay qoyskayga oo ay iga caawisay inaan si badbaado leh uga tago hargeyso!

Goor fiid ah oo bisha barakeysan ee Ramadaan lagu jiro aniga iyo dhammaan dadkii hotelka ku sugnaa oo aan sugaynay in aan afurno ayaa Boqor isku sheega ilaah baa boqor ah ee, Buurmadow oo wata dhawr iyo toban nin oo hubaysan oo ka tirsan malleeshiyadiisa ayaa albaabka hoteelka si xooga kusoo galay ayagoo islamarkaan ay i hareereeyeen. Maleeshiyadiisa oo igu amray in aan gacmaha kor u qaado, deedna istaago oo aan ayaga raaco!

Ninkaan xishoodka la’aantiisa wuxuu mooday inaan hantidiisa ahay oo uu i heeyysan karo; nasiib wanaag mar labaad looma ogolayn in uu i qafaasho, waxana mahada iskaleh ciidankii hotelka, ilaa uu wargaliyay maamulaha hotelka. Nin sharaf leh oo la yiraahdo Xasan Biid ahaana korneyl ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa igu yimid hotelka isagoo wata koox askar ah. Wuxuu iga badbaadiyey boqor burmadow iyo maleeshiyaadkiisa. Waxa uu wacad ku maray inuu i ilaalin doono anigoo ah nin ku xeerantahay xaqiiqada qalafsan ee colaadaha qabiilka ee Soomaaliya. Dhacdooyinkii habeenka dhacay waxa ay si weyn u shaaciyeen xaaladdayda, gaar ahaan Cali Maxamed Cumar oo ku magac dheeraa Xoorxoor oo ahaa maareeyaha Dekedda Berbera (oo sida aan ogahay ilaa hadda ka hawl-gala Somaliland) xiligaasi kama aan war hayn balse waxa uu udub dhexaad u ahaa xatooyada markabkayga.

.

Dhibaatadan foosha xun ee la ila kacay ayaa gaadhtay David Stephen, oo ah sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka ammaanka Soomaaliya, kaas oo qaaday tallaabo uu uga digayo maamulka Somaliland inay ay qaadi doonan musuuliyadeeda wax kasta oo isoo gaara inta aan ku suganahay deegaanka ay ka taliyaan. Caawintaan wakhtiga ugu habboonaa ayaa ah mid aan waligeey ka mahadcelinayo

Ku lug lahaansha madaxda sare ee somaliland waxaa cadayn u ahaa ka dib markii madaxweeynihi xiligaas Maxamed Ibraahim Cigaal u ka xumaaday amarka ninkii uqaabilsanaa qaramada madoobay, waxaa uu ka eryay oo ka mamnuucay somaliland ninkaasi David Stephen.

Miyaanan ahayn inuu madaxwaynuhu xaqiijiyo ilaalinta sharciga iyo kala dambaynta? Muxuu iiga hiilinayaa? Anigoo aha Nin aad uga murugaysan oo waayay hantidiisa qaaliga ahayd ee uu lahaa, tani waxay ii caddaynaysay in maamulkii la odhan jiray Somaliland ee xiligaasi jiray uu ahaa koox budhcad-ah oon sharci iyo kala dambeeyn, dowladnimada iyo dhaqan aan aqoon.

Waxa la ii qorsheeyey in aan Hargeysa (Somaliland) ka duulo , kooxdan damiir laaweyaasha ah ee jooga Nayroobi (2di dibloomasi cadaanka ahaa) waxa uu isku dayeeen in ay hakiyaan safarkayga iyaga oo ku andacoonaya in Hargeysa aan la geli karin diyaarad halka ay jireen duulimaadyo badan oo maalinle ah oo ka baxa magaalada.ayadoo ay diyaradaha UNta ee gargaarka bini’aadantinimada ayaa Hargeysa ka baxaan maalintii 3 jeer.

4-tii bilood ee ugu adkeyd ee noloshayda ka dib waxa aan Hargeysa ka soo raacay diyaarad ka mid ah kuwa UNta, waxaana idhaweeyay Korneeyl Xasan Biid iyo 20 nin oo askar ah oo uu watay ilaa uu igu hubsaday jaraanjarada diyaarada, buurmadow iyo malleeshiyadiisana weey na daba socdeen ilaa daqiiqaddii ugu dambaysay.

 Waxa aan ku guulaystey in aan raaco diyaaradii iyaga oo aan ka fogayn daiyaarada, ka dibna si lama filaan ah ayaan jaranjaradii diyaaradda qooorta uga soo dhiibtay waxa aan ku idhi raggii hubaysnaa aniga oo cadheeysan.

“Waxaad dhacden markabkaygii, aniga iyo shaqaalaheyga waad na afduubateen —aniga oo ah nin Soomaali ah oo aad dhaqan wadaag iyo isku diin tihiin, falakaas oo kasoo horjeedda sharciga diinta Islaamka oo gebi ahaanba ka hor imaanayso xeer dhaqameedka reer guuraaga soo jireenka ah– ee aha soo dhawaynta iyo  badbaadada dadka safarka ah. Waan soo noqon doonaa si aan hantideyda u soo ceshado maalin maalmaha ka mid ah, haddii aanan awoodi waayo inta aan noolahay waxaa laga yaabaa in farcankayga iyo bulshadayda aan ka dhashay ay sidaas yeeli doonaan. Xusuusnow inaad iga qaadateen un biraha kali ah (markabkii), laakiin weli waxaa igu yaala maskaxdii ay kasoo guuxday (waxaan u tilmaamay madaxayga).”

Hadalkaygii gaabanaa ee geesinimada lahaa wuxuu ku reebay dhawr ka mid ragaas yaab iyo amakaag waxaan dareemay geesinimo wakhtigaas, oo in aan runta u sheego rag hubaysan oo mooryaan Soomaali ah, ma ahayn tallaabo caqli-gal ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay ahayd in runta la sheego.

Diyarayd ay u kacday Neeyrobi halkaas oo aan ku nastay toddobaad, waxaan helay daaweyn caafimaad oo aan u baahanahay. Muddo toddobaad ka dib, waxaan u dhoofay Kobanheegan halkaas oo ay igu sugayeen qoyskayga aan jeclahay iyo qareenkaygu. 4-tii bilood ee la soo dhaafay waxay badashay nolashayda tasoo keentay inaan qaddariyo hadiyadaha nolosha oon Ilaah ku xamdiyay.

Waxaan dib ugu noqday Denmark, anigoon ahayn ninkii hore uga tagay waxaan qaadanayay daawooyin culus 2dii sano ee ugu horeysay. Cadaadiskii badanaa iyo niyo jabkii ayaa msakaxdayda tashuush ku abuuray tasoo keentay in daaweynta waxba ii tarin, waxaanan go’aansaday inaan sii wado dadaalki aan ku heli lahaa  markabkayga iyo dhammaan saxnadiisi! Waxaan markii hore isku dayey in maamulka Dekedda Berbera uu markabkayga iigu wareejiyo dekedda Boosaaso ee ugu dhow ama dekedda weyn ee Muqdisho, waxay iigu jawaabeen oo ay ku andacoodeen in markabkaygii la dayaacay oo aan tago maxkamadda Berbera ee gobolka Saaxil.

Kadib markii maareeyaha dekedda Cali Maxamed Cumar (xoorxoor) uu maqaal ku daabacay wargeyska maxaliga ah ee Al Jamhuuriya oo maqaal been abuur ku sheegay in markabkaasi uu xidhnaa ilaa bishii July 2001. Waxaan u qoray isaga oo aan ku tilmaamay beentaasi cad ee uu ku doonayo in uu si badheedh ah bulshada ugu marin habaabiyo isagoo meesha ka saarayo in mas’uul ka aha xatooyada markabka iyo afduubkayga.

Waxa la ii sheegay in madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal uu qaatay dhammaan 5-tii ee Mercedes Benz ee saarneed markabka, isagoo ku daray  kolonyadiisa baabuurta ee”madaxtooyada”, halka uu Buur-Madoow kaaba  qabaa’ilka uu qaatay Land Rovers-kaygii, Matoorada naaftada ah ee dhaliya korontada kii ugu weynaa (oo waliba ku filan magaalo dhan) waxa qaatay Cali Cumar Maxamed (Xoorxoor) laftiisa. Halkaa marka ay marayso waxa aan si buuxda u aqbalay in xumaanta nimankan ay kula kacayaan markabkayga ganacsi in ay tahay wax ka badan sidii hore loogu tallo galay oo boolidii ay ka filayeen ka weynayd. Dhammaan qalabkii kalluumeysiga ee baaxadda lahaa ee aan ugu talo galay in aan geeyo Kismaayo, waxaa lagu iibayay suuqayada gudaha somaliland.

Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu geeriyooday bishii May 2022, waxa xilka kala wareegay Daahir Riyaale Kaahin oo qaaday tallaabo aan filayn isgooiibiyey markabkaygii MV Somdana-1, ka dib markii uu wada xaajood la yeeshay dad u dhashay dalka Hindiya intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2006, ka iibiyay markabkeeygi.

Aad baan uga naxay, waayo, isma lahayn waxaa uu qaadi doona waddadii taliskii hore, balse nasiib daro ayagii waa ka daray maadaama uusan muujin xitaa is weeydiin cida leh markabka am uu la yimaado cadaalad.

Ogoow, maamullada Somaliland waxay ku dhisnaayeen xad-gudubyo aad mooddo in lagu tartamayo, Xaqiiqaha rasmiga ah ee markabkayga waxaa si xanuun badan iigu soo sheegay saaxiibkay oo maamulayay shirkada Maraakiibta ee Tabuuk oo ahaa ishayda gudaha intii aan ku jiray arintaa foosha xun.

Halkaa marka aan mareeyno waraysigeeni waxa aan dareemay niyad jabka Mudane Axmed Ducaale waxaana waydiiyay sababta uu u sugay ilaa maanta in ka badan 20sano ka dib? waxa uu iigu jaawabay si degan “Sanadihii lasoo dhaafay waxaan raadinayey sharci sax ah iyadoo la adeegsanayo nidaamyada sharci ee la dejiyay gudaha iyo dibaddaba anigoo qiiraysan mar walba. Ma aan guulaysan, mana jiro sharci xaddidayo oo ku saabsan raadinta caddaaladda..

Si kastaba ha ahaatee, waxaan aaminsanahay in isla maamulka Somaliland ee dhibka ii geeystay uu jiro ilaa maanta uuna saxi karo qaladkii la iga galay . Waxaan aaminsanahay in si gaar ah la ii beegtay sababtoo ah waxaan ahay nin Daarood ah oo ay isku beel ka soo jeedaan madaxwaynihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre oo ay Somaliland ay la dagaalantay sanadihii dambe ee xukunkiisa militariga. Anigu waxaan ahaa maareeye maraakab ganacsi oo shaqsi ah, askari dawladeed ama shaqaale maan ahayn, haddaba maxa la ii ugaarsaday sidii anigoooo qayb ka aha colkooda?

Waxaan sidoo kale aaminsanahay hadii markabkayga lagu dhici lahaa meel kale oo Soomaaliya ka mid ah, oo amniyan ka khatarsaneed somaliland waxaan dib u heli lahaa markabkayga oo buuxa sahaydiisa ama xitaa nus ah, waxaan sidoo kale aaminsanahay in uusan nabadoon soomaliyeed uusan wax afduub, jir dilin iyo dhac geeysan laheeyn. Waxaa lagu yaqaana nabad doonka somaliyeed sharaf iyo sulux iyo in uu ka shaeeyo cadaalada ama nabada bulshada

Dhinaca kale nabadoon isku sheegii i af-duubtay,oo i xidhay jidh-dilkiina ii gaystay asaga iyo malleeshiyo beeleed u daacada aha , ayaa maanta  sheeganaya inuu yahay “Boqor”, waxaan maqlayaa inuu hadda ku sugan yahay dalka Turkiga oo uu ka soo kabsanayo qalliin lagu sameeyay, mar kasta oo aan wejigiisa arko ayaan dib u xusuustaa xadhiga dheer ee bini’aadantinimada ka bixii ay ii geesteen asago iyo maleeshiyadiisa.

Waxaan qaatay go’aan ah inaan si fagaare ah u daah-furo wajiyadiisa saxda ah, afduubte hadda sheeganayo inuu yahay oday dhaqameed, isagoo weliba isa siiyay magaca boqornimada. Ninkan {buurmadow} waa ka fogyahay nabadoon iskaba dhaafe boqornimo,

Waxaa balan ah in fool ka fool u hor istaago oo runta u cadeeyo bulshada somaaliyeed aana tuso qofka dhibkaan ii gaystay; Waxaa sidoo kale muhiim ah in aan iftiimiyo arrinta colaadda qabiilka oo ah khatarta ugu xun ee inta la xasuusto.

Waxaan aaminsanahay in marka aan soo bandhigo ficilka foosha xun ee ragii i afduubtay in aan gacan ka geysan in aan ku dhiirigeliyo kuwa kale ee ila midka ah ee laga yaabo inuu ku xad-gudbay inay ka hadlaan dhibaatoyinka ay u gaysteen maamul ama nabdoon ku sheegyada.

Waxaan aaminsanahay in lagula xisaabtamayo qaladaadkiisa oo ay muhiim tahay in cadaaladda la horkeeno. Si taas loo gaaro, waxaan caawimaad ka raadsaday koox sharci yaqaano ah oo aan hadda ku guda jiro diyaarinta dacwad ka dhan ah isaga {buumadow}

Sidoo kale maamulka somaliland waxaan leeyahay:

1. Waa inay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda falkaan cad ee budhcad-badeednimada ah oo ay ka bixiyaan xogta ku habboon ee ku saabsan cidda ku luglahayd qorshahan iyo sida ay isaga indha tirtay welwelka mulkiilaha iyo sidoo kale waraaqihii badnaa ee ka dambeeyay. Dhacdadani waxay dhacday 20 sano ka hor waxayna dhibaato dhaqaale iyo mid shucuurba u geysatay nafteyda, iyo ninka aan shirkada ku ahay shirkaddayda Somdana.

2 .Waxaan dalbanayaa magdhaw ku habboon xatooyada markabkaygii ganacsi, ee ay ku geysteen badmaaxayaal budhcad-badeed ah oo taageero ka helaya rag ka tirsan maamulka somaliland, aakhirkiina uu iibiyey madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland. Tan waxa ku jira dib-u-habayn lagu sameeyay qiimihii suuqa ee xilgaas iyo kan maanta.

3. Waxaan aad ugu boorinayaa Maamulka Somaliland inay si degdeg ah arrintan uga fiirsadaan, isla markaana ay ka soo saaraan go’aan cad oo cadaalad ku dhisan.

Taasi waa fariintayda, mudane” tani waxay ahayd codkii ugu dambeeyay ee uu ka tagay.

Md. Axmed Faarax Ducaale waxa uu i tusiyay dukumentiyo sharci ah oo tafaasiil ka bixinaya lahaanshaha iyo diwaan gelinta markabka, waraaqihii ay is dhaafsadeen  Dekeda Berbera iyo sidoo kale amar maxkamadeed. Waxaan go’aansaday kuwani oo ah dukumeenti shakhsi ah in laan agu darin maqaalkaan

Maqaalkani waxa uu ku salaysan yahay xog laga soo ururiyey waraysiyo lala yeeshay Axmed Faarax Ducaale. Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in aanu sidoo kale la xidhiidhnay xukuumadda Somaliland iyo maamulka dekedda Berbera sidii caadada inoo ahayd dedaalka aanu ku bixinayno inaan faallo iyo xog ka helno dhammaan dhinacyada ay khusayso. Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland iyo Dekedda Berbera midna kama jawaabin codsigayaga wax faallo ah iyo xog dheeraad ah toona.

Macluumaadka ku jira maqaalkan waxaa loo soo bandhigay sida ugu saxsan ee suurtogalka ah iyadoo lagu saleynayo macluumaadka aan helnay waqtiga daabacaadda. Waxaa loogu talagalay inay noqoto isku dayga ugu wanaagsan ee xisaabinta dhammaystiran oo qeexan oo ku saabsan dhacdooyinka kor lagu tilmaamay, waana in loo tixgeliyo sidaas ilaa inta beddelka xaqiijinta madaxbannaan ama hubinta xaqiiqada la samaynayo. Haddii aad heeyso macluumaad dheeraad ah ama sixid aad aaminsan tahay in lagu daro maqaalkan, fadlan nagala soo xidhiidh xagga hoose;

Qoraa (Sakariye Deeq) email [email protected]

La Wareeystay (Axmed Ducaale) email [email protected]

Close Search Window
Close