Written by 6:26 pm Somali

Taarikh Noolooledka iyo Waxqabadkii Injineer Maxamed Cumar Saalixi

Axmed Cumar Ibraahin (Saalixi)

Tifaatiraha Daily Jubba

Waxqabadka Shaqo iyo Taariikh Niloleedka Eng Maxamed Cumar Ibraahin(Saalixi)

1952 Eng Maxamed Cumar Ibraahin,waxaa uu ku dhashey degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

1958 ilaa 1964,waxuu ka baxay Dugsiga H.DHEXE ee degmada Luuq,isagoona Dugsiga Quraankana kaga baxey isla degmadaasi.

1965 ilaa 1968,waxuu dhameeyey Waxbarashada Dugsiga Dhexe oo uu ku dhameeyey degmada Baydhabo ee Gobolka Bay.

1969 ilaa 1973dii waxuu dhameeyey waxbarashada Dugsiga Sare oo ka baxay Dugsigii Sare ee Banaadir ee Muqdisho,Imtixaanadkii xilligaasi Dugsiyada dalka waxuu ka mid noqdey shantii Ardey ee ugu sareysay Soomaaliya natiijada Imtixaankii la qaadey ,taasi oo suurta gelisey inuu helo deeq waxbarasho daka dibadiisa gaar ahaan Dalka Poland ee Bariga Yurub.

1973 ilaa 1979,waxuu ka baxay Warsaw Polytechnical University Faculty of Higher Geodesy Poland isagoo ka qaatey jamacadasi master Degrii.

1979 oo uu Dalka ku soo laabtey ilaa 1983dii waxuu fuliyey Mashruucii Bay Project ee Baydhabo oo ay maalgelisey Santuuqa Kaalmada Mareykanka ee USIAD.

1979 ilaa 1987,Sidoo kale waxuu ka shaqeyn jirey Hogaanka Sahanka iyo Maababka ee Wasaarada Gaashandhiga,isagoona xaga Darajada Ciidamada ka gaarey G/SARE, waxaana uu ka qeyb galey Sameynta Maabab dalka uu lahaa oo qaarkood ilaa iyo hadda yaala Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya.

1983 ilaa 1987,waxuu dhisey Mashaariic dhismayaal iyo Beero ay ka mid yahiin Matxafka Qaranka,Beerahii wasaarada Gaashandhiga iyo Sameynta Kanaalo balaaran oo si casri ah uu u sameeyey.

1987 ilaa 1990,Dowladii kacaanka ayaa u magacawdey Agaasinka Waraabka ee Mashruucii Beeraha ee Farxaane ee Gobolka Sh,hoose.

1988 ilaa 1990,waxaa ku mid ahaa Guddi dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia ay u xilsaareen,kala qaadida Ciidamadii soomaaliya iyo Ethopia ee Xadka beenaadka labada Dal.

1992 ilaa 1994 ,waxuu la soo Xafiiskii UNISOM ,qeybta Bini,aadinimada ee Gobolka Gedo,Baardheere.

1994 ilaa 1998 ,waxuu la soo shaqeeyey Hay’adaha Care International iyo UNOPS ee Gobolka Gedo.

1998 ilaa 2000,waxuu Waxbarasho u aadey Dalka Tanzania,gaar ahaan Daarasalaam,halkaasi oo uu ku bartey Sida Xogta looga soo saaro Sawirada Dayax gacmeedka uu Qaado iyo lafa gurida Xogta (Remote Sensing iyo GIS).

2000 ilaa 2002,dii waxuu noqdey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha DKMG ee Cabdi Qaasim uu madaxweynaha ka ahaa.

2002 ilaa 2012,waxuu la sjoo shaqeeyey Shirkad Ingiriis ah ee Done International oo ka haysatey Muddo 1O Sanno Contract Coastal Management (Maareynta Xeebaha ) Dubai oo ah Daraasad Xaga Isbedelka Beeyada Badda ku Xeeran Xeebaha iyo Lafa gurida.

2013 ilaa 2021,waxuu Waxqabadkiisa Shaqo iyon Awoodiisa uu isugu geeyey sidii uu u soo dhicin lahaa Qeyb ka mid Badda Soomaaliya oo ay sheegatay Dowlada Kenya,isagoona isku dubaridey dhamaan Waxii Macluumaad ah ee la xariira Xaqa ay soomaaliya u leedahay Badda ay sheeganayso Kenya,howshaasi oo hadda hortaala Maxkamada Aduunka.

2014 ilaa 2017,Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud ayaa u magacaabay Lataliye Madaxweynaha ee Dhanka Badaha ee Soomaaliya.

2017 ilaa 2021,waxaa markale uu la Taliye dhanka Bada uu u Noqdey Madaxweyne Farmaajo.

Eng Maxamed Cumar Saalixi ayaa ku Hadla Luqadaha,Soomaaliga,Englishka,Talyaaniga,Polishka iyo Carabiga.

Xigasho- Axmed Cumar Ibraahin (Saalixi)

Close Search Window
Close